Madadaallo

Salman Khan iyo Katrina Kaif Lamaanaha ugu soo jiidashada badan Bollywood.

 

Wargeyska Asianka ah ee Famina oo hore ugu qiimeeyay atriishada ay wada socdaan Salman Khan ee Katrina Kaif inay koowaad ka tahay 50-ka atriisho ee  ugu qurxoon caalamka ayaa hadana waxuu u aqoonsaday iyada iyo saaxiibkeed Salman Khan Lamaanaha ugu Shidan Bollywoodka.

{loadposition user6}

Katrina Kaif iyo Salman Khan ayaa la sheegay in ay ka guuleysteen lamaayaal badan oo la tartamayay sida Saif Ali Khan iyo Saaxiibtiis Kareena Kapoor, Abhishek Bachchan iyo Xaaskiisa Aishwarya balse aqristeyaasha iyo Joornaalkaas ayaa u doortay Salman iyo Katrina Lamaanaha xiligan u haysta Bollywoodka.

Salman Khan ayaa hore wargeyska Mareykana ee caanka kana hadla arrimaha Jilaaga iyo fanaanka ee lagu Magacaabo People Magazine u magacaabay inuu yahay ninka 7-aad ee caalamka ugu muuqaalka qurxoon iyo kan koowaad ee Hindiya balse tani ayaa dadka qaar sheegeen inay tahay quruxda saaxiibtiis iyo qaabkiisii oo la isku kaashaday sidaa darteed ay ku noqdeen Xiddihaga ugu Shidan Bollywood.

Jilaa News

info@jilaa.com

RELATED