Editor's Picks

Mareykanka oo Laga Qaxaayo

Teendhooyin iyo caawimaad ayaa dalka Canada u fidiyay kadib markey dad isku jira dhallad Mareykan(U.S) ah iyo qaxooti dalkas ku sugnaa ay isa soo tuumiyeen xaduuda Canada iyo U.S wadaagaan.

Dadkan oo doonaya iney iska dhiibaan wadankaas ayaa haatan ku sugan meel u dhow tuulo lagu magacabo Saint-Bernard-De-Lacolle ee dalkas Canada.

Saxafaada oo wareysatay dadkas ayaa sheegtay iney kuligood ka cararayan madaxweynaha wadanka U.S ee Donald Trump. Qaxootigan ayaa u badan Haiti oo ku sugna wadanka wadanka Mareykanka mudo sanado ah qeybtoodna ay shaqo iyo maalba ku leeyihin halkas.

Haiti dhaladka ayaa loo fidiyay sharci ogalanaya iney joogi karan Mareykanka kadib markii wadankas aad u baabi'iyey dhulgariir sanadkii 2010-ka. Trump ayaa marku madax noqdey ku dhawaaqay in sharcigas dhici doona bilowga sanadka fooda nagu soo haya. Taasoo micnaheedu yahay in dadka badan 58,000 oo dalka Haiti u dhashay.

Dadka u dhashay Haiti oo kaliya ma ahan sidoo kale wadamo kale oo Somaliya ka midtahay ayaa ayaguna ka qaxaya wadankas, kadib markey tacadiyo iyo hanjabaad kala kulmeen wadankas.

RELATED