Madadaallo

Hooyo ilmaheedi Qashinka ku Dartay, Dalka Mareykanka

Gabar 17-jir ah ayaa la xiray kadib markey isku dayday iney disho gabar ay dhashay. Sheekadan ayaa ka dhacday New York ee dalka mareykanka.

Labo gabdhood oo walaala ah oo bananka gurigooda fadhiyay ayaa maqlay ilma yar oo ooynaya markas ayey fiiriyeen qashinka ku dhowaa, halkasoo ay ka heleen 8 bilood gabar ah oo lagu riday bacda qashinka lagu tuuro.

Markey fureen bacda ayey ku dhex arkeen ilmo yar oo qashinkii qariyay oo neeftana dhibeyso. Halkaas ayaa booliska loogu yeeray ayagoo hooyadii dhashay meesha ku xiray.

Booliska ayaa sheegay in hada ilmahas uu cafimaadkiisu wanaagsanyahay.

17-jir kan ayaa sida qof weyn loo xukumi doona, waxana laga yaaba iney mudo 25-sano oo xabsi ah muteysato.

 

RELATED