Dadka

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in ay berito ciid tahay bishana laga arkay. 

 

Guddiga bisha raadiya ee Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqay in ay caawa dhalatay bisha Shawaal taasoo dalkaasi laga arkay sidaasna ay ku tahay ciidul fitriga berito oo ah axad ah , waxaana durbadiina Sacuudiga ku raacay dalalka Khaliijka sida Imaaraadka carabta iyo Kuwait iyo Qatar. 
 Hadaba caalamka oo dhan ayaa berito waxey u noqoneysa ciid maadaama Sacuudiga laga arkay bisha uuna ku dhawaaqay in ay koow tahay bisha Shawaal. 
 Hambalyo ayaan anagana leenahay dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo gabi ahaanba umadda Muslimka. 

Abdul Arts 
Jilaa.com 
jilaa.net@gmail.com 

RELATED