Dadka

Milkiilaha Facebook oo la afuray qaxooti Soomaali ah. 

Aas aasaha ahna milkiilaha iska leh shabakadda caanka ah ee Facebook ee lagu magacaabo Mark Zuckerberg ayaa xalay la afuray koox qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka asigoo bogiisa kusoo qoray in ay aheyd afurkiisii ugu horeeyay noloshiisa uu bisha Ramadaan afuro. 
Mark Zuckerberg oo kaalinta shanaad kaga jira ninka aduunka ugu taajirsan ayaa waxuu si kal iyo laab ah ula sheekeystay qaxootigaan Soomaliyeed , Mark ayaa  weydiiyay nin 26 sano ku qaatay waqtigiisa xero qaxooti inuu haatan Ameerika dareemayo in ay tahay deegaankiisa ama waddankiisa iyo in kale , ninkaasi ayaa ku jawaabay Gurigaaga ama dalkaaga waxaa ah  meeshii aad xor tahay oo aad ku sameyn kartid waxaad jeceshahay. Mark Zuckerberg ayaa la dhacay jawaabtaasi asigoo soo dhigay bartiisa Facebook. 

Waxuu Mark Zuckerberg amaanay dadkii afurka u sameeyay isagoo dhiiri galiyay bogaadiyayna dadka nolosha cusub usoo raadsaday dalkiisa asigoo ixtiraam weyn u muujiyay. Waxuu haataana Zuckerberg bilaabay barnaamij cusub oo dadka dunida iskugu dhaweynaayo kaaso buundooyin ka dhex dhisaya bulshada caalamka oo haaan ay soo wajahayaan dhibaatooyin fara badan. 

Abdul Arts
Jilaa.com
jilaa.net@gmail.com

Beyonce oo mataano dhashay
2017-06-20 19:16:06

RELATED