Celebrity News

Ronaldo oo kooxdiisii Real Madrid u qaaday koobka Yurub,dhaliyayna goolkiisii 600-aad

Cayaaryahanka reer Portugal ayaa Christiano Ronaldo oo kooxdiisii Real Madrid u qaaday koobka horyaalada Yurub ee Champions League kadib markii ay kooxda Talyaaniga ka socotay ee Juventus kaga adkaadeen 4 iyo 1.

Ronaldo oo 32 jir ah ayaa saxiixay laba gool oo ka mid ahaa goolashii ay kooxdiisa ku qaadday koobka ayaa waxuu caawa dhigay taariikh kadib markii uu dhaliyay goolkiisii 600-aad intuu uu xirfadiisa kubadda cagta ku guda jiray. 

Haatan waxaa ay saxaafada aad u hadal haysaa Ronaldo oo loo saadilanayo inuu sanadkaan qaato cayaaryahanka u wanaagsan dunida maadaama uu afka u dhigtay koobkii horyaalada Yurub oo ah kan lagu qiimeeyo cayaaryanka sanadka. 

Dhanka kale tababaraha kooxdaasi Zinadine Zidane ayaa noqday tababarihii todobaad ee taariikhda qaaday koobkaasi asigoo horeyna usoo cayaaray koobkaasi Championka. 

Jilaa.com

RELATED