Celebrity News

Pogba oo soo Cimreystay ,Makka ayuu ku suganyahay.

Xiddigga kubadda cagta ee Faransiiska una cayaara kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa booqday magaalada barakeysan ee Mekka isagoo soo cumreysanaya maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan , Pogba ayaa ka dagay Sacuudiga 3 maalin kadib markii uu kooxdiisa u qaaday koobka Yurub ee UEFA , isagoo sheegay inuu Alle ku mahdiyay guushaasi. 

Pogba oo soo dhigay sawiradan bogiisa instagram ayaa waxuu hoosta kaga qoray in uu booqda meesha caalamka ugu wanaagsan uguna qurux badan , taasoo uu ula jeeday magaalada Mekka siiba xajrul aswad oo ah kacbada barakeysan ee Islaamka. 

 

Jilaa.com

RELATED