Celebrity News

Jilaagii James Bond oo geeriyooday

Jilaagii caanka ahaa ee Ingiriiska ee  filimka 007 ee James Bond ee lagu magacaabi jiray Roger Moore ayaa geeriyooday isagoo da'diisu tahay 89 jir.

Roger Moore ayaa matalay jaasuuska James Bond isagoo ahaa jilaagii dhigay filimada ugu badan ee 007 ee la sameeyay . waxaa filimadiisii ka mid ahaa 'The Man With the Golden Gun' (1974), 'The Spy Who Loved Me' (1977), 'Moonraker' (1979), 'For Your Eyes Only' (1981) iyo 'Octopussy' (1983).

Waxaa Moore la siiyay sanadkii 2003 maamuuska ay boqortooyada ingiriiska baxiso ee ah Sir taasoo sharaf weyn ka ah dalkaasi. 

 

RELATED