Celebrity News

Nin u muuqaal eg cayaaryahanka Messi oo Iran lagu xeray buuqii dadka dartiis.

Reza Parestesh oo ah wiil Iiraani ah oo 25 jir ah ayaa waxuu noqday shaqsiga kaliya ee dunida ee aadka u shabbahay cayaaryahanka Barcelona Lionel Messi, isagoo aanba laga aqaanain sida ah iskugu egyahiin darteed. Waxaana taas ay dhalisay in dadkii magaalada ay kuso buuqeen iyadoo qof waliba uu doonayo in uu sawir iskala qaado wiilkaan u eg Messi , taasoo ay booliisku sheegeen in ay horseedday nidaam darro iyo buuq ayna wiilkii xabsiga ku tuureen si uu buuqa usoo afjarmo. 

 

Waxaa jirta in uu ka helay wiilkaan casuumado , telefishino waaweyn iyo waliba macradyo dolnaya in ay ka sameeyaan dhaqaale maadaama uu aad ugu egyahay laacibka caanka ah ee Messi oo taageero badan ku keh dunida.

 

Jilaa.com

RELATED