Celebrity News

Kim Kardashian; Waxaan doonayaa inaan caruur kale dhalo inkastoo dhaqtarka ka digay taasi

Haweeneyda Telefishinada caanka ka ah ee Kim Kardashian ayaa sheegtay in ay rajo ka qabto in ay dhasho cunugeedii seddexaad in kastoo ay dhaqaatiirka uga digeen in ay uur kale isku qaaddo. maadaama ay qabto xanuun dhanka ilma galeenka ah oo dhibaato u keeni karo hadii ay caruur uurka ku qaado markale maadaam ay si dhib ah ku dhashay cunugeedii ugu dambeeyay.

Kardashian oo 36 jir ah xaasna u ah heesaaga Kanye West ayaa waxaa haatan ay haysataa laba caruur ah oo kala ah gabadheeda North oo 3 jir ah iyo wiilkeeda Saint oo haatan buuxiyay 1 sano, ayaa waxey u muuqataa mid iska indha tireysa talada digniionta ah ee  dhaqaatiirka iyadoo showgeeda kaga dhawaaqday n ay mari doono camaliyo qalliin ah taasoo u fududeyn doonta in ay dhasho markale iyadoo sheegtay in ay hooyanimada tahay wax qiimo badan oo jaceylka waalidnimada dartiis ay u go'aansatay in ay caruur badan dhasho. 

jilaa.com

 

RELATED