Celebrity News

Arnold Schwarzenegger oo isku soo sharaxi doono Senator.

Jilaagii weynaa ee Hollywood ee lagu magacaabo Arnold Schwarzenegger oo Commando ay Soomaalida u taqaan ayaa isku soo taagaya musharaxnimada inuu noqdo senator oo uu galo aqalka sare ee Mareykanka doorashada dhaceysa sanadka 2018.

Arnold Schwarzenegger  oo xisbiga Jamhuuriga dalkaasi ka tirsanaan jiray isagoo ku dhawaad 10 sano ahaa guddoomiyaha gobolka California ayaa waxaa la filayaa inuu markaan siyaasada kusoo laabto asigoo doonayo inuu noqdo xildhibaan ama senator asigoo sheegay inuu si xor ah oo xisbi ka tirsaneyn kaligiis ah  isa soo sharaxi doono. 

Waxaa la ogsoonyahay in uu taageero badan ku leeyahay dalkaasi Mareykanka kuwaasoo u codeyn doona, balse arrinka ka hortaagan madaxweyne noqoshada dalkaasi ayaa ah in uu ku dhashay dalka Australia sidaa darteed uu sharciga Mareykanka dhigeyn inuu madaxweyne ka noqdo balse waxuu doonaya inuu aqalka sare galo. 

Tani ayaa waxaa ka caroon doono madaxweynaha dalkaasi Mareykanka Donald Trump oo maalmo dhaweyd ay isku dhaceeyn Arnold Schwarzenegger  ayna hadalo kulul is dhaafsadeen , waxaana uu markaan siyaasada ugu soo laabtay si uu u tuso miisankiisa ayaa wararka sheegayaan. 

Jilaa.net

jilaa.net@gmail.com 

 

RELATED