Celebrity News

Nike oo Xijaab u sameysay gabdhaha Muslimka ah.  

Shirkadda caalamiga ah ee Nike ee dharka iyo qalabka isboortiga caanka ku ah ayaa waxey iminka xijaab u soo saartay gabdhaha Muslimka ah iyadoo shirkaddani door ka qaadaneysa horumarinta cayaaraha maadaama dumar badan oo Muslimiin ah ay u baahnaayeen tani.

Nike ayaa waxey dhiiri galineysaas sidoo kale in gabadhaha muslimiinta ah ay iyagoo asturan ka qeyb qaataan tartamada caalamiga ah maadaama dhar la hubo loooga baahanyahay markii ay tartamayaan. Jalbaabkan yar ee madaxa lagu xerto oo ay Nike soo saartay ayaa waxaa xayeeysiintiisa dahaa ka qaaday cayaaryahanada  Zahra Lari  oo u dhalatay Imaaraadka Carabta iyadoo lagu soo sawiray bogga shirkadda, Zahra waxey noqoneysaa cayaaryahanadii u horeysay ee Carab ah oo ka qeybgasha cayaaraha barafka.

Jilaa.com

Abdul Arts

jilaa.net@gmail.com

RELATED