Celebrity News

Sir Mo Farah: Waxaan ahay cayaaryahan nadiif ka ah daroogada lagu sheegayo. 

Orodoyahanka Soomaaliyeed ee Ingiriiska u orda Sir Mo Farah ayaa waxuu iska fogeeyay wararka baaritaanada ee sheegaya in uu isticmaalay daroogo isagoo sheegay inuu yahay cayaaryahan nadiif ka aha daroogada  lagu sheegay inuu isticmaalay isaga tababarahiisa Mareykanka ee Albert Salazar, waxuuna Mo xusay inuu waligiisba ka fogaa wax kasta oo jabinayo qaanuunka isboortiga. 

Mo iyo Salazar ayaa waayahan waxaa ku dhaganaa ururada baara daroogada ee Mareykanka iyo Ingiriiska waxuuna sheegay in ay tahay tasi mid fadeexad lala raadinayo balse uu yahay ceeb ka saliim. 

Mo Farah ayaa ku guuleystay labadii bilad ee orodka dheer ee olombikada sanadkii tagay, waxuuna difaacanayaa horyaalnimadiisa.  
Jilaa.com
jilaa.net@gmail.com 

RELATED