Editor's Picks

Fanaanka Digriyoow oo ka baxay kooxda Waayaha Cusub. 

Fanaanka da'da yar ee ka tirsanaa Kooxda fanka Waayaha Cusub ee Digriyow Cabdi ayaa sheegay inuu iskaga baxay kooxdaasi Waayaha Cusub , sababo la xeriira khilaaf isaga maamulka kooxda soo kala dhex galay awgeed. 
Digriyow ayaa lafdhabar u ahaa kooxdaasi waxaana muuqata in burbur uu soo foodsaaray kooxdaai Waayaha Cusub mar hadii ay ku gacanseyreen fanaankaan asigu ahaa ninkii isku haayay. 
Waxuu Digriyow oo bartiisa Facebook kula hadlaayay taageerayashiisa u balan qaaday inuu halkiisii kasii wadi doono fankiisii sidii looga bartay , wax saameyn ahna aysan ku yeelan doonin ka baxistiisa kooxda Waayaha Cusub. 
Waxaa sidoo kale la ogsoonyahay inuu Digriyow yahay fanaan kaligiis heeso badan horey usoo qaaday oo kaligii sii wada kara howlahiisa fanka. 

Jilaa.net@hotmail.com
jilaa.com 


 

RELATED